Muqdisho (Dawan)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Isniintii ugu baaqay mucaaradka inay dowladda kala shaqeeyaan dib-u-habeynta doorashooyinka, sugidda amniga iyo ilaalinta midnimada dalka, isaga oo sheegay inuu rajo ka qabo in heshiis laga gaaro arrimaha weli taagan ee la xiriira hannaanka doorashooyinka.
Isagoo ka hadlayay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii ugu horreysay ee heerka Master-ka ee Dacwada iyo Garsoorka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo waxa uu ku tilmaamay is-afgarad sii kordhaya oo ku saabsan in shacabka Soomaaliyeed ay go’aamiyaan mustaqbalka siyaasadeed ee dalkooda.
“Waxaan aad uga faraxsanahay inay nala gartay inay lagama maarmaan tahay in dib-u-habeynta siyaasadda, oo saldhig u ah shacabka Soomaaliyeed, loo daayo shacabka, lana weydiiyo aragtidooda,” ayuu yiri.
Barre wuxuu sheegay inuu rajeynayo in qodobada harsan lagu dhameystiro wada-hadal iyo heshiis, isaga oo xusay in dowladdiisu diyaar u tahay inay sii waddo wadahadallada lagu gaari karo is-afgarad.