Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta u daah-furtay Mashruuca Bulsho, oo ah barnaamij cusub oo lagu xoojinayo maamulka deegaanka, wadajirka bulshada, iyo adkeysiga bulshada guud ahaan dalka.
Mashruucan, waxaa hirgelinaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, iyadoo kaashaneysa Bangiga Adduunka, Wasaaradda Maaliyadda Federaalka, iyo dowlad-goboleedyada. Munaasabadda daah-furka, waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, bah-wadaagta horumarinta, iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa sheegay in mashruucu uu saldhig u noqon doono dhismaha kalsoonida u dhexeysa shacabka iyo dowladda, isagoo xusay in horumarka waara uu ku xirnaan doono awoodda hay’adaha deegaanka.
Mashruuca Bulsho ayaa diiradda saaraya gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee deegaanada fogfog iyo miyiga, iyadoo la adeegsanayo hab hoos-ka-kor ah oo bulshada ku lug leh. Ujeeddadiisu waa in la xoojiyo hay’adaha deegaanka, korna loo qaado ka-qaybgalka bulshada, gaar ahaan meelaha ay saameeyeen colaadaha, barakaca, iyo isbeddelka cimilada.


