Muqdisho (Dawan) — Dowladda Soomaaliya ayaa billowday wadatashi ku saabsan qorshe shan sano ah oo lagu hagayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo qorshahan lagu xiriirinayo mudnaanta guud ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtay madal ay daneeyayaasha kaga talo bixinayaan Qorshaha Istiraatiijiga ah ee 2026–2030, kaas oo qeexaya jihada, mudnaanta iyo natiijooyinka ay wasaaraddu hiigsanayso shanta sano ee soo socda.
Waaxda Siyaasadda, Qorsheynta iyo Cilmi-baarista ee Wasaaradda ayaa hormuud ka ah diyaarinta qorshaha, iyadoo wadatashigu diiradda saarayo mudnaanta istiraatiijiga ah, ka-qaybgalka daneeyayaasha, habka fulinta iyo qiimeynta natiijooyinka.
Qorshaha shanta sano ah wuxuu leeyahay lix ujeeddo oo istiraatiiji ah, kuwaas oo kala ah ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo danaha qaranka Soomaaliya; xoojinta xiriirka laba-geesoodka, kan dhinacyada badan iyo iskaashiga gobolka; horumarinta diblomaasiyadda dhaqaalaha; wanaajinta adeegyada qunsuliyadeed iyo ilaalinta muwaadiniinta; dhiirrigelinta nabadda, amniga iyo diblomaasiyadda ka-hortagga khilaafaadka; iyo xoojinta awoodda hay’adaha iyo hufnaanta fulinta qorshayaasha.
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Xasan Maxamed Cali Nadaara, ayaa sheegay in qorshuhu aanu ahayn hannaan ka madax-bannaan siyaasadda guud ee dowladda, balse uu hoos imaanayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.