Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar ugu baxay qaar ka mid ah wadamada Yurub, isaga mas'uuliyiinta dalalkaas kala hadli doona xoojinta iyo iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa ku hormari doona dalka Norway, isaga oo ku qaadan doona muddo saddex maalin ah, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo Ra'iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal, sida ay sheegtay Villa Somalia.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Madasha Oslo 2024.