Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay ahmiyadda uu leeyahay heshiiska iskaashiga difaaca ee ay wada saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee uu Baarlamaanka Soomaaliya maanta ansixiyay.
Madaxweynaha oo ansixinta heshiiska kadib qabtay shir jaraa'id ayaa sheegay in ujeedada heshiiska ay tahay in Badda Soomaaliya looga difaaco kooxaha Argagixisada, Bucad-badeedka, kallaaumeysiga sharci darrada ah iyo cid kasta oo kusoo xad gudubta xeebaha Soomaaliya.
“Haddaan dagaal ugu jirnay inaan dhulkeena argagixisada ka difaacno maanta waxaan dagaal kale u galeynaa baddeena inaan ka xoreyno kuwa argagixisada ah ama sharci darada dowladda Soomaaliyeed shuruucdeeda ku xadgudbaya" ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday inuu ka sheekeeyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo sannadihii ugu dambeeyay sii xoogeystay, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed niyadda ugu qaboojiyay in Turkigu yahay Dowlad lagu kalsoonaan karo, diyaarna u ah in ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha ciidanka Badda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa yiri, "Dowladda Turkiga waa dal aan ku aamini karno howlaha qaarkood... Turkiga waxay noqotay dalkii u horreeyay ee diyaar noola ah (Kaalmo). Cid kasta oo danta Soomaaliya ay ku jirto waa la heshiineynaa”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in heshiiska ay Soomaaliya la gashay Turkiga uu soocn doono ilaa tobon sano, iyada oo muddadaas lagu dhisi doono ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh ilaalinata xeebaha Soomaaliya.