Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u fadhi doona Muqdisho, Cyprian Kubai Iringo.
"Danjire Cyprian Kubai oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane William Ruto ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, waxa uuna xusay in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal". ayaa lagu yiri, qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee Villa Somalia
Villa Somalia waxa ay intaas raacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka loo igmaday isaga oo u rajeeyey in uu ka miro dhaliyo sidii uu xaqiijin lahaa gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna xusay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya iyo Kenya iskaashi wadajir ah oo ku salleysan danaha labada dowladood iyo guud ahaan Gobolka.