Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka gudoomaya warqadaha aqoonsiga safiirka cusub ee Dowladda Talyaaniga ay u soo magacawday Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi.
Safiirkaan cusub ayaa beddeli doona safiirki hore ee Alberto Vecchi oo muddo xileedku dhamaaday.
"Danjiraha cusub oo ka mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii taariikhiga ahayd ee dalka looga qaaday Cuba-qabatayntii hubka, waxaa uuna bogaadiyay horumarada laga gaaray dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia