Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa kala hadlay xaaladda Gobolka iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya, sida ay sheegtay Villa Somalia.
"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay aragtida iyo siyaasada Dowlada Federalka Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo Dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda". ayaa lagu yiri, qoraal kaoo baxay Madaxtooyada.
Dhinaca kale qoraal kasoo baxay Xafiiska Xoghayaha Guud ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay ka walaacsantahay heshiiskii 1-dii bishaan January dhax maray Itoobiya iyo Somaliland.
Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in Qaramada Midoobay ay qaddarineyso madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo loogu baaqay dhammaan dhinacyada kala duwan in ay ka fogaadan wax kasta oo sii cakiri kara xaaladda iyo nabadda Gobolka.