Asmara (Dawan)- Naadiga Denden, oo ku ciyaara magaca Wasaaradda Difaaca, ayaa ku guuleystay horyaalka kubadda cagta ee dalka Eritrea kadb markii ay kulankii ugu dambeeyay uga badiyeen naadiga Keih-Bahri ee Gobollada Dhexe 2-1.
Munaasabad ka dhacday garoonka Asmara 24-kii bishaan March ayaa lagu soo gabagabeeyay horyaalka kubadda cagta iyada oo sidoo kale ay barbar socdeen ciyaarta bandhig dhaqameed iyo farshaxan.
Paulos Woldehaimanot, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Eritrea, ayaa sheegay in tartanka ay ka soo qeyb galeen 10 kooxood oo ka kala socday dhamaan gobolada dalka Eritrea iyo Wasaaradda Difaaca.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay doorka horyaalka kubadda cagta uu ku leeyahay kobcinta xirfadeed ee ciyaartooyda iyo in ay kala faa'iideystaan khibradaha taas oo kor u qaadeysa awoodda kubadeed ee xulka qaranka.








