Muqdisho (Dawan)- Wakaaladda wararka ee Bloomberg ayaa sheegtay in dalalka ku bahoobay Naadiga Paris ay isku raaceen in Soomaaliya laga cafiyo 1.2 bilyan oo dollar oo ah deymaha lagu lahaa, iyadoo la raacayo hannaanka hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka si loo dhimo culayska deynta ee saaran dalka Soomaaliya.
Bloomberg waxa ay tilmaamtay in qiimaha deymaha la go’aamiyay in la cafiyo Soomaaliya in ay ka dhigan tahay 99% wadarta guud ee deyntii ay dalalka Naadiga Paris ay ku lahaayeen Soomaaliya ilaa January 2023.
Naadiga Paris ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan qorshaha Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ula dhaqanto wadamada kale iyo hay’adaha deyn bixiyayaasha.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in Magaaladda Paris lagu soo gabagabeeyay wada xaajood wakhti dheer qaatay oo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo waddamada ku middoobay Naadiga Paris ( Paris club) kuwaas oo Soomaaliya ku leh lacag ka badan 3.1 billion oo doolar.