Abidjan (Dawan)- Xulalka Nigeria iyo Ivory Coast ayaa usoo baxay Finalka Koobka Qarmada Afrika kadib markii ay kasoo kala badiyeen dalaka Koonfur Africa iyo Congo.
Nigeria ayaa Koonfur Afrika uga badisay rigaarayaal (*4-2) kadib markii ay isla dhaafi waayeen ciyaarta (1-1) iyada oo waqti dheeri ah la isla gaaray.
Goolhayaha Koonfur Africa, Ronwen Williams, oo afar rigoore badbaadiyay ciyaartii sideed dhammaadka ee Cape Verde, ayaa ku guul darraystay inuu wax rigoore ah badbaadiyo xalay. Laadka kaliya ee Nigeria iska khasaarisay ayaa yimid kadib markii daafaca Ola Aina uu hawada marsiiyay kubad uu is xoogan u laaday.
Dhanka kale, martigeliyaasha koobka ayaa (1-0) uga badiyay Congo, iyada oo ciyaaryahan Sebastien Haller uu daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay xulka Ivory Coast