Addis Ababa (Dawan)- Waxaa isa soo taraya macluumaadka laga helayo heshiiskii Badda ee ay wada galeen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishaan January kaas oo dhaliyay xiisad soo kala dhax gasha diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Heshiis wajiya badan
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda Itoobiya heshiiska is-afgaradku waxa uu daboolaya dhinacyo badan oo isagu jira arrimaha bulshada, dhaqaaalha, siyaasaddda iyo ciidmada.
Qoraalka ayaa dib ugu laabtaay taariikhda Somaliand isaga oo xusay in ay xornimada ka qaadatay Boqortoooyadii Britain 26 June 1960 kadibna ay isku biireen Soomaalidii kale ee xornimada ka qaadatay Talyaaniga.
1991-kii, Somaliland waxay ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka go’aday iyada oo tan iyo xilligaas ku dhaqmaysay dimuqraadiyad muddo 30 sannadood ah, waxeyna qabatay doorashooyin is xig-xigay oo xilka lagula kaal wareegay si nabad ah, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.
Itoobiya waxa ay sheegtay in ay jiraan Dowlado kala duwan oo heshiis dhanka horumarinta Dekadadah la galay Somaliland kuna leh xafiisyo Hargeysa, iyada oo daliil ka dhigatay heshiiski Dekedda Berbera ee laga siiyay saamiga
"Heshiiskii u ogolaanayay Itoobiya in ay ku yeelato saami gaaraya 19% Dekedda Berbera ayaa caddayn u ah arrintaan, iyada oo ay jiraan wadamo kale oo ku dhaqama nidaamkaan ama heshiisyada nuucaan ah" ayaa lagu yiri, qoraalka