Morocco (Dawan) – Orodyahanadda Jabuuti Zouhra Ali Mohamed ayaa ku guuleysatay tartanka 10.7-ka kiiloomitir ee Deichara, oo lagu qabtay magaalada Laâyoune ee dalka Morocco, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Zouhra Ali Mohamed ayaa ku dhammaysatay tartanka 36 daqiiqo iyo 47 ilbiriqsi, iyadoo kaalinta koowaad ka gashay tartanka, inkastoo ay jireen duruufo adag oo dhanka cimilada ah, gaar ahaan dabeylo xooggan oo saameeyay goobta lagu tartamayay.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti, orodyahanaddu waxay si xeeladaysan u maareysay tartanka, iyadoo ilaalisay hoggaanka ilaa ay ka gaartay xariiqda dhammaadka.