Muqdisho (Dawan)- Hadda waad awoodaa inaad ku bixiso lacagahaaga si ammaan ah, degdeg ah, oo fudud adiga oo adeegsanaya Okkliyaalahaaga , faraantiyadaada, jijinnada, iyo suumanka saacadaha casriga ah.
Premier Bank ayaa soo bandhigay aaladaha casriga ah ee lacag-bixinta NFC oo la xiran karo, taasoo markii ugu horreysay Soomaaliya laga hirgeliyay, kana dhigaysa dalka labaad ee Afrika ee tiknoolajiyadan isticmaala. Agabkan oo qeyb ka ah lebis-maalmeedka, waxa ka mid ah muraayadaha indhaha ama Okiyayaalayaasha, faraantiyada, jijinada, iyo suumanka saacadaha.
Sida Bankiga uu qabo tiknoolajiyadan waxay horseedi doontaa kor u qaadidda dakhliga ganacsatada iyo fududeynta nolosha macaamiisha, maadaama uu noqday nidaam degdeg ah oo ammaan badan.
Daraasado la sameeyay ayaa muujinaya in macaamiishu si weyn u doorbidaan lacag-bixinta iyada oo loo marayo agab la xiran karo sababo la xiriira xawaaraha, amniga, iyo sahlanaanta:
47% macaamiisha leh qalab casri ah oo la xiran karo waxay doorbidaan inay isticmaalaan lacag-bixinta agabkan sida ay sheegatya daraasad ay sameesay Mastercard Consumer Survey 2021.
Sidoo kale 80% isticmaaleyasha agabkan waxay sii wadaan isticmaalka kaddib waayo-aragnimada ugu horreysa, taas oo muujinaysa qanacsanaan xooggan sida lagu sheegay warxin ay soo saartay PwC Digital Payments Report 2022-dii.