Muqdisho (Dawan)- App-ka Premier Wallet ayaa hadda kadib u fududeyn doona macaamiishiisa in ay ku helaan lacagaha laga soo xawilo dibadda ee ka yimaada shirkadda Ria Money Transfer.
Macaamiisha Premier Bank iyo Premier Wallet ee ku sugan dunida dacalladeeda ayaa heli doona fursad cusub oo xawaaladeed, waxa ay si fudud lacagaha uga heli doonaan macaamiisha kala duwan ee adeegsata Ria Money Transfer.
Lacagaha laga soo diro Ria ayaa si toos ah ugu soo dhici doona Premier Wallet daqiiqado kooban gudahooda; iyadoo aan loo baahnayn meel dhexe oo ay lacagtu u soo marto macaamiisheenna.
Guddoomiyaha Premier Bank mudane Maxamed Geeddi Jimcaale ayaa sheegay in bangigu muhiimmad gaar ah siinayo sare u qaadidda fursadaha lacag helidda xawaaladeed iyadoo la adeegsanayo teknoolajiyadii ugu dambeysay qarnigaan.