Garoowe (Dawan) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qorshaha Dowladda Federaalka ee doorashooyinka 2027 ku tilmaantay mid aan la aqbali karin oo khatar ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, sida uu Axaddii sheegay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo Soomaalida ugu baaqay inay isugu yimaadaan si loo badbaadiyo dowladnimada dalka.
Madaxweynaha Puntland, ayaa hadalladan ka sheegay xilli uu magaalada Garoowe ka furay kal-fadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Deni ayaa sheegay in nooca doorasho ee lagu dhawaaqay 15-kii Oktoobar uu yahay mid uu keligiis doonayo Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu ku tilmaamay “damac guracan” oo khatar weyn ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha ayaa 15-kii Oktoobar ku dhawaaqay in doorashada labada aqal ee Baarlamaanka la qabto 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha la qabanayo 15-ka Maajo 2027. Mucaaradka ayaa diiday jadwalkaas.
Deni ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu diiday qabashada doorasho la isku raacsan yahay, isla markaana uu ka shaqeeyay fashilinta wadahadal kasta. Wuxuu sidoo kale sheegay in meesha laga saaray dhammaan heshiisyadii hore loogu heshiiyay, oo uu ugu dambeeyay dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee 2012-kii, sida uu hadalka u dhigay.