Puntland (30 September 2025) – Ciidanka ilaalinta canshuuraha Puntland ayaa sheegay inay qabteen labo doon oo si sharci darro ah uga kaluumeysanayay xeebaha gobolka Raas Caseyr, kadib howlgal ay ka fuliyeen badda.
Saraakiisha ciidanka ee howgalka hogaamineysay ayaa sheegay in doonyaha la qabtay ay kala ahaayeen mid ay leedahay Soomaali iyo mid ay wateen ajaanib ay ku sheegeen in ay yihiin balse aysan ku darin dalka ay asal ahaan ka soo jeedaan. Doonta Soomaaliga waxaa saarnaa sagaal qof, halka doonta kale ay saarnaayeen 14 qof oo ajaanib ah.
Dadkaan ayaa loo heystaa in aysan qaadanin shatiga sharciga ah ee u golaanaya in ay xeebaha Puntland ka kaluumeystaan.







