Garoowe (Dawan) – Maamulka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay weerarro iyo falal uu sheegay in lagu beegsaday qaar ka mid ah madaxdii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Xukuumadda Puntland, kadib shir uu guddoomiyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa lagu sheegay in maamulka uu si dhow ula socdo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, gaar ahaan dhacdooyinkii saacadihii la soo dhaafay ka dhacay caasimadda.
Puntland ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu mas’uul ka yahay weerarro la sheegay in lagu qaaday hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.
“Mas’uuliyadda weerarradaas iyo wixii khasaare ah ee ka dhasha waxaa qaadaya Madaxweynihii horeXasan Sheekh Maxamuud,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Puntland.
Maamulka Puntland ayaa sidoo kale ka digay in sii socoshada colaadaha, caburinta siyaasadeed iyo cadaadiska lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka ay horseedi karaan xaalad amni iyo mid siyaasadeed oo sii xumaata, taas oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida dalka.