Soomaaliya(Dawan) – Tobannaan xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Puntland, ayaa qaadacay fadhiyada looga hadlayo wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee dalka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Puntland fiidnimadii Talaadada.
Xildhibaannadaan oo kooban 30 xubnood oo ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka—Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka—ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen hannaankaas, iyagoo ku tilmaamay isbeddellada dastuuriga ah “kuwo sharci-darro ah.”
Xubnaha Aqalka Sare ee lagu xusay bayaanka waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Cabdiqani Ugaas Geelle, Cabdisamad Yuusuf Maxamed, Sareedo Maxamed Xasan Jeyte, iyo Daahir Ayaanle Siciid. Sidoo kale, dhowr xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka kana matala Puntland ayaa ku biiray qaadacadda.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli Baarlamaanka Soomaaliya isu diyaarinayo inuu maalinta Arbacada u codeeyo wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel-gaarka ah, taas oo qayb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka ku doonayso inay ku dhammaystirto dastuurka.








