Suudaan (dawan)- Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dad gaaraya 20,000 ku barakaceen dagaalada ka socda gobalka Daarfuur ee galbeedka Suudaan.
Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini aadnimada ee Suudaan ayaa walaac ka muujiyay dagaalada maalmihii lasoo dhaafay ka socday galbeedka suudaan.
“Waxaan la soconaa, xaaladda ka taagan Daarfuur, waxaana ku dadaaleyna sidii gargaar loo gaasrin lahaa dadka ku wax yeeloobaay rabashada” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini aadnimada.