Muqdisho (Dawan) – Madaxa arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa ku baaqay in la kordhiyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, xilli uu booqasho ku joogo dalka, isagoo tilmaamay baahiyaha bini’aadantinimo ee sii kordhaya iyo caqabadaha dhanka maalgelinta ah.
Fletcher, oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada isla markaana ah Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah, ayaa hadalkan ka sheegay kulamo uu la yeeshay mas’uuliyiin Soomaaliyeed iyo saaxiibbada gargaarka ee Muqdisho maanta oo Talaado ah.
“Waxaan ka jawaabaynaa dhibaatooyin sii kordhaya, xilli deeqaha beesha caalamku aysan ahayn sidii hore,” ayuu yiri Fletcher.
Wuxuu sheegay in booqashadiisu ay ujeeddadeedu tahay inuu si dhow u fahmo xaaladaha ka jira dhulka, isla markaana uu taageero dadaallada socda ee wax looga qabanayo arrimaha bini’aadantinimada.
Fletcher ayaa la kulmay Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo hay’adaha kale ee bini’aadantinimada, si ay uga wadahadlaan isuduwidda iyo ka jawaabista caqabadaha ay ka mid yihiin abaaraha, barakaca, iyo cadaadiska ka dhashay isbeddelka cimilada.


