Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo saaray wareegto madaxweyne oo lagu dhimayo qiimaha biyaha ay bixiso Wakaaladda Biyaha Hargeysa, iyada oo tallaabadaas lagu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu yareynayo culayska dhaqaale ee saaran shacabka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in go'aankan lagu saleeyay baahida loo qabo dhimista kharashaadka adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan biyaha oo ka mid ah adeegyada ay maalin kasta isticmaalaan qoysaska iyo ganacsiyada.
Sida ku cad wareegtada madaxweynaha, laga bilaabo 1-da Luulyo 2026, qiimaha halkii mitir kuub ee biyaha ah ayaa laga dhigay 8,500 oo Shilin Somaliland ah, halka uu hore uga ahaa 13,500 oo Shilin Somaliland ah.
Qiima-dhimistan ayaa ka dhigan hoos u dhac ku dhow 37 boqolkiiba, taasoo la filayo inay saameyn togan ku yeelato kumannaan qoys oo ku nool magaalada Hargeysa iyo deegaannada ay gaaraan adeegyada Wakaaladda Biyaha Hargeysa.