Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa u safray Imaaraatka Carabta si uu uga qeyb galo Shirweynaha Dowladaha Adduunka 2025 oo lagu qabanayo magaalada Dubai. Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka teleefanka kula hadlay Amiirka Qatar, xilli ay siyaasiyan aad isugu dhow yihiin Qatar iyo Soomaaliya, halka Imaaraatka iyo Muqdisho ay xiriirkoodu xumaa.
Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa si cad u beenisay eedeymaha musuqmaasuqa ee la xiriira mashruuca biyaha Jigjiga, kaas oo la sheegay in ku dhawaad $11 milyan la musuqmaasuqay. Wargeyska The Reporter ayaa mashruuca ku eedeeyay maamul xumo, musuqmaasuq, iyo qalab tayo xun oo la isticmaalay. Wargeysku wuxuu xusay in mashruucu ku kacay 1.4 bilyan Birr ($10.89 milyan), balse uusan wali shaqeyn tan iyo furitaankiisii Luulyo 2024.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti, Saciid Nuux, ayaa ku dhawaaqay in la mamnuucay in hub lala soo galo gobollada iyo deegaanada dalka, isagoo digniin culus u diray dadka reer guuraaga ah ee ka imaanaya dalalka deriska la ah.
Wasiirka oo shir jaraa’id qabtay ayaa caddeeyay in talaabadani ay tahay mid lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka. "Waa mamnuuc in hub lala soo galo Jabuuti, cid walba oo lagu qabtana waxa ay hortagi doontaa garsoorka," ayuu yiri.