Nairobi (Dawan)- Xildhibaanada Kenya ayaa Talaadadii bilaabay qorshaha xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua, taas oo muujineysa khilaaf ba'an oo ka dhex jira xisbiga talada haya.
Siyaasadda dalka Kenya ayaa tan iyo bishii July ku jirtay jahawareer ka dib mudaaharaadyo ay dad ku dhinteen oo ka dhashay sicir-bararka maciishada iyo canshuur kordhin aan la jeclasanin
Maxaa lagu haysaa Gachagua
Gachagua ayaa loo soo jeediyay dhowr eedeyn oo kala ah in uu wiiqay habsami u socodka howlaha dowladda, ku lug lahaansho arrimo musuq-maasuq, maamul-xumo, kala qaybin ku salleysan isir iyo arrimo kale.
Ilaa 291 xildhibaan ayaa saxiixooda ku lifaaqay taageerada mooshinka ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka , taasoo dhaaftay tiradii loo baahnaa ee 117 xildhibaan.
Guddomiyaha baarlamaanka Kenya Moses Wetangula ayaa sheegay in mooshinka uu soo gudbiyay Mutuse Eckomas Mwengi, oo ah xlidhibaan ka tirsan isbaheysiga talada haya uu buuxiyay dhammaan shuruudihii dastuuriga ahaa ee loo baahnaa.
Mooshinka waxaa loo cugsaday 11 sababood oo keeni kara xil ka qaadis, waxaana ka mid ah eedda ah in Gachagua uu aruursaday hanti lagu qiyaasay 5.2 bilyan oo shilin ($40 milyan) muddo laba sano gudahood ah iyada oo mushaarkiisa uu dhanyahay sanadkii $93,000.
Gachagua, ayaa beeniyay dhamaan eedeymaha loo jeediyay , wuxuuna ku tilmaamay kuwa salka ku haya arrimo siyaasadeed, isaga oo ka digay in xilka qaadistiisa ay kicin doonto dadka soo doortay.