Muqdisho (Dawan)— Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Soomaaliya Jibriil Cabdirashid Cabdi ayaa soo jeediyay in akoonnada baraha bulshada lagu xiro lambarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), isagoo sheegay in tallaabadu fududeyn karto in la ogaado qofka ka dambeeya akoonnada internetka.
Isagoo ka hadlayay furitaanka Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 oo Isniintii ka furmay Muqdisho, ayuu Jibriil sheegay in kaarka NIRA uu wato lambarka Social Security Number-ka, kaas oo loo adeegsan karo xaqiijinta aqoonsiga qofka. Waxa uu soo jeediyay in siyaasadaha iyo xeerarka mustaqbalka lagu daro shuruud qofka looga baahan yahay inuu isticmaalo lambarka aqoonsigiisa NIRA marka uu akoon ka furanaayo baraha bulshada.
“Waxaa batay qofka inta magac kale iska sameysto inuu wuxuu rabo uu iska sheego,” ayuu yiri Jibriil, isagoo sheegay in isku xirka aqoonsiga iyo akoonnada uu gacan ka geysan karo in la yareeyo isticmaalka aqoonsiyada kala duwan.
Jibriil ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha xagjirka ah ay adeegsadaan baraha bulshada, isagoo xusay in mas’uuliyiintu ay xiraan akoonnada la xiriira kooxahaas, balse ay mararka qaar dib ugu soo laabtaan magacyo kale. Waxa uu Wasaaradda Warfaafinta kula taliyay inay arrintan ka fiirsato marka ay dejinayso xeerarka iyo siyaasadaha la xiriira warbaahinta iyo baraha casriga ah.