Muqdisho (Dawan) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay inaan la oggolaan doonin hub loo qaato si aan la xiriirin hawlgal amni. Amarkan ayaa yimid maanta oo Khamiis ah intii uu socday kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, oo looga hadlay xaaladda amniga dalka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxqabadka xukuumadda iyo qorshaha lagu mideynayo Sumadda Qaranka.
“Hub lagu xaragoodo ma doonayno,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa, isaga oo sheegay in hubka lagu dhex qaadan karo caasimadda oo keliya marka uu qayb ka yahay hawlgal amni, halka dadka kale ee hubka wata ay tahay in lagu dabaqo habraacyada amniga.
Hadalkan ayaa muujinaya dadaalka dowladda ee lagu doonayo in lagu sii adkeeyo nidaamka amniga Muqdisho, halkaas oo sannadihii dambe laga hirgeliyay tallaabooyin lagu xakameynayo hubka iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka hubeysan.
Intii uu shirku socday, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo hawlgallada ciidamada dowladda. Sida ay wasaaraduhu sheegeen, ciidamada dowladda ayaa guulo ka gaaray dagaallo ka dhacay qaybo ka mid ah dalka, waxaana lagu dilay xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay inay kordheen xubnaha kooxda ee isu dhiibaya ciidamada iyo kuwa lagu qabtay hawlgallada socda. Faahfaahin madax-bannaan oo xaqiijinaysa tirada dagaalyahannada la dilay, la qabtay ama isa soo dhiibay laguma soo bandhigin bayaanka Golaha Wasiirrada.