Zürich (Dawan)- Riyadii garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ee ahayd inuu ka mid noqdo garsoorayaasha ka qeyb gelaya Koobka Adduunka 2026 ayaa soo dhamaatay, kadib markii FIFA ay xaqiijisay in loo diiday gelitaanka Mareykanka, taasoo meesha ka saartay inuu ka mid noqdo dhexdhexaadiyaasha tartanka ugu weyn kubadda cagta ee adduunka.
Qoraal uu soo saaray afhayeen ka tirsan FIFA ayaa lagu sheegay in Cartan uusan awoodi doonin inuu ka qeyb galo tababarrada iyo howlaha garsoorka ee la xiriira Koobka Adduunka 2026.
“FIFA waxay xaqiijineysaa in garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan uusan awoodi doonin inuu tababar galo ama garsooro Koobka Adduunka FIFA 2026, kadib markii loo diiday inuu soo galo Mareykanka,” ayuu yiri afhayeenka FIFA.
Hay’adda kubadda cagta adduunka ayaa caddeysay in aysan wax door ah ku lahayn go’aannada socdaalka ee dalalka martida loo yahay, oo ay ku jiraan arrimaha la xiriira fiisayaasha iyo oggolaanshaha gelitaanka dalka.
“FIFA kuma lug laha hannaanka socdaalka ee dalka martida loo yahay, oo ay ku jiraan xaqiijinta fiisaha, waxaana mas’uuliyiintu nagu wargeliyeen in xaaladda Cartan aan hadda la beddeli doonin,” ayuu afhayeenku sii raaciyay.