Nairobi (Dawan)- Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns oo booqasho ku jooga Kenya ayaa kulan la qaatay madaxweyne William Ruto iyo dhiggiisa Kenya Nuuradiin Maxamed Xaaji.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray ka hortagga falalka kooxaha argagixisada, , la dagaallanka dambiyada abaabulan iyo arrimaha kale ee saamaynta ku yeelan kara xasiloonida iyo nabadda Geeska Afrika.
Madaxweyne Ruto ayaa bogaadiyay iskaashiga ka dhaxeeya Kenya iyo Mareykanka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo sidii kor loogu qaadi lahaa nabadda iyo ammaanka caalamka.