Mombasa, 14 Maarso 2026 (Dawan) – Madaxweynaha Kenya, Mudane William Ruto, ayaa Jimcihii casuumaad afur ah ugu sameeyay hoggaamiyeyaasha bulshada Muslimiinta iyo masuuliyiinta dowladda magaalada Mombasa.
Kulanka waxaa ka qeybgalay hogaamiyaha xisbiga ODM, Oburu Odinga; Guddoomiyaha gobolka Mombasa, Abdul Samad Sharif Nasser; Wasiirka Caafimaadka, Aaden Ducaale; Hogaamiyaha lafdhabarta xisbiyada ee Golaha Baarlamaanka, Junaid Mohammed; Wasiirka Ciyaaraha, Salem Mforia; iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada munaasabadda kadib ku sheegay in afurku uu yahay fursad muhiim ah oo lagu muujiyo midnimada iyo ka ahmiyadda bisha Ramadan.
“Munaasabadda Cashada Afurka ee qasriga dowladda ee Mombasa, waxaan sharaf weyn noo ah inaan la qaadano walaalaheen Muslimiinta, waana waqti qaali ah oo loogu dabaaldegayo midnimo, mahadnaq iyo muhiimadda bisha barakaysan ee Ramadan,” ayuu yiri Ruto.
Madaxweynaha Kenya wuxuu intaas ku daray in xoogga dalka uu ku jiro kala duwanaanshaha diimaha iyo dhaqamada, isla markaana kulamada noocan oo kale ah ay ka caawinayaan xoojinta ixtiraamka iyo wada noolaanshaha nabdoon.








