Jabuuti (Dawan)- Kalfadhiga labaad ee Golaha Baaralmaanka Jabuuti ayaa furmay iyada oo Golaha laga sugaayo inuu kulamadiisa ugu horeeeya diiradda ku saaro miisaaniyada dowladda iyo wax ka beddelka qaar ka mid ah shuruucda dalka.
Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga, waxaa kasoo qeyb galay Ra'iisul Wasaaha Jabuuti, Cabduqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka mid ah golihiisa xukuumadda.
Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti oo khudbad ka jeediyay kalfadhigga ayaa Baarlamaanka usoo bandhigay miisaaniyadda sannadka 2024 ee xukuumaddu soo diyaarisay, taas oo gaareysa lacag dhan 144 milyaar oo lacagta dalkaas ah,
Sida uu sheegay Ra'iisul Wasaaraha, miisaaniyadda sannadka ayaa xoogga saareysa horumrinta dhinacayo kala duwan sida Gaadiidka, Tanmarta, Dhismaha, Isgaarsiinta iyo Tignooljiyadda casriga ah.
Cabduqaadir Kaamil Maxamed, ayaa sidoo kale Baarlamaanka usoo bandhigay waxqabadka xukuumadda ee sannadka 2023, isaga oo xusay in wax laga qabtay horumrainta bulshada, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo la daggaalnka isbeddelka cimilada.
Mar uu soo hadal qaaday hoos u dhaca ku yimida dhaqaalaha dunida ayuu sheegay, Ra'iisul Wasaaruhu in dagaalka ka socda Yurub uu saameyn ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha caalamka gaar ahaana dalka Jabuuti laakin si looga hortago sicir barar ay xukuumaadda Jabuuti qaadatay go'aan ah in canshuur dhimis loo sameeyo ganacsatada gaar ahaan cuntada iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha muwaadiniinta.