Jowhar (Dawan)- Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, iyada oo ay garoonku kusoo dhaweeyeen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirrada.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska xukuumadda, ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ah u kuur-gelidda xaaladda shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deeggaanada Hirshabeelle iyo daah-furka mashruuca biyo xireenka Jowhar (Sabbuun).
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa lagu wadaa inta uu joogo magaalada Jowhar inuu kalamo la qaato qaybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo diiradda la saari doono maamul wanaagga iyo wax ka qabashada horumarinta deegaanada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Shalay aya ahayd, markii Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe uu la kulmay wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, si uu ugu wareejiyo dhulka laga dhisayo xarunta ciidamada Danab ee Hirshabeelle.