Jabuuti, 12 Oktoobar 2025 — Salaam Bank ayaa bilaabay dhismaha 20 goobood oo ganacsi ah oo cusub oo laga hirgelinayo gobolka Cali-Sabieh, si loo xoojiyo ganacsiga koonfurta Jabuuti.
Mashruucan ayaa si rasmi ah lagu daahfuray xaflad dhagax-dhigis ah oo la qabtay Khamiistii, sida uu sheegay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Xafladda waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Dawladaha Hoose ee Jabuuti, Guddoomiyaha Gobolka Cali-Sabieh Cabdulmaalik Maxamed Banoita, Guddoomiyaha Maamul Goboleedka Sharmaarke Xasan Allaleh, iyo Maareeyaha Guud ee Salaam Bank Jaamac Xirsi Cabdi.
Mashruucan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo dhaqaalaha deegaanka iyadoo la taageerayo ganacsiyada yaryar iyo fursadaha ganacsi ee heer bulsho.
Sharmaarke Xasan Allaleh, Guddoomiyaha Maamul Goboleedka Cali-Sabieh, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay iskaashi ka dhexeeya gobolka iyo Salaam Bank.
“Waxaan go’aansannay inaan Cali-Sabieh siino hanti joogto ah oo faa’iido u yeelan doonta mustaqbalka. Tani waa qayb ka mid ah siyaasadda Jabuuti ee hadda la hirgeliyey. Salaam Bank ayaa nagu garab istaagay dadaalkan,” ayuu yiri.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa tilmaamay in goobahan ganacsi ay ganacsatada iyo farsamayaqaannada siin doonaan fursado iyo xaalado wanaagsan oo ay ku kobciyaan ganacsiyadooda, isla markaana ay kordhin doonaan shaqo-abuurka iyo soo jiidashada magaalada.
Jaamac Xirsi Cabdi, Maareeyaha Guud ee Salaam Bank, ayaa ku daray:
“Awoodda iyo kalsoonida u dhaxaysa Salaam Bank iyo dadka Cali-Sabieh maanta ma bilaaban. Waa mid muddo dheer la dhisay oo sal adag leh. Waxa aan maanta samaynayno waa sii wadidda iyo horumarinta dadaalladii hore, mana noqon doonto mid dib loo celin karo.”
Faahfaahinta ku saabsan noocyada ganacsiyada, kharashaadka mashruuca, iyo jadwalka dhammaystirka weli lama shaacin.
Salaam Bank ayaa hore uga qayb qaatay mashaariic badan oo bulsho iyo dhaqaale ah, waxayna mar kale xaqiijisay ballanqaadkeeda ku aaddan horumarinta gobollada iyada oo loo marayo iskaashi dowladeed iyo mid gaar ah (Public-Private Partnership).



