Muqdisho (Dawan)– Salaam Somali Bank ayaa daah-furay dhismaha cusub ee xarunta Suuqbacaad, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qaybgalay ganacsatada Suuqbacaad, maamulka bangiga iyo marti sharaf kale. Dhammaan adeegyadii bangiga ee xaruntii hore ayaa loo wareejiyay xarunta cusub, halkaas oo macaamiishu ka heli karaan adeegyada casriga ah ee bangiga.
Guddoomiyaha ganacsatada Suuqbacaad, Yuusuf Sheekh Maxamuud Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in dhimaha la dhisay kaddib markii ganacsatada suuqu ay Salaam Somali Bank ka codsadeen inuu ballaariyo xarunta suuqa, codsigaasna la aqbalay. Waxa uu xusay in dhismaha xaruntan weyn uu socday muddo shan sano ah.
“Waxaa farxad noo ah in galabta xarigga ka jarno xarunteenna Bangiga Salaam ee suuqa labaad ee Soomaaliya,” ayuu yiri, isaga oo sheegay in ganacsatada iyo bangigu ay dareemayaan farxad aan la soo koobi karin.
Ganacsade Abuukar Cali Hiraabe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in bangi Soomaaliyeed oo hantida dadka Soomaaliyeed ilaaliya uu maalgeliyo bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in bangigu maalgeliyo ganacsatada yaryar, oo ay ku jirto gabadha yar ee suuqa wax ku iibisa, iyo ganacsatada waaweynba.
“Waxa ugu dhibka badan ee la sugo waa hantida. Hantida Soomaaliyeedna amnigeeda ayaad sugteen,” ayuu yiri Abuukar, isaga oo u rajeeyay horumar dhammaan bangiyada Soomaaliyeed.