Muqdisho (Dawan) - Shirkadda diyaaradaha qiimaha jaban ee Cumaan ee SalamAir ayaa maanta oo Khamiis ah ilowday duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Muscat iyo Muqdisho, iyadoo furtay isku-xir diyaaradeed oo cusub oo u dhexeeya labada dal.
Duulimaadka cusub ayaa shaqayn doona laba jeer toddobaadkii, waxaana uu noqonayaa isku-xirkii ugu horreeyay ee diyaaradeed oo aan kala go' lahayn oo u dhexeeya Cumaan iyo caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegtay SalamAir.
Diyaarad ka tirsan SalamAir ayaa maanta soo caga-dhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo munaasabadda daahfurka ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, wakiillo ka socday shirkadda diyaaradaha, ganacsato iyo xubno ka tirsan waaxyaha duulista iyo socdaalka dalka.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa sheegay in dowladda ay ka go'an tahay ballaarinta isku-xirka duulimaadyada caalamiga ah iyo in rakaabka loo helo fursado badan oo safar. Wuxuu sheegay in duulimaadka cusub uu fududeyn doono safarka u dhexeeya Soomaaliya iyo Cumaan, isla markaana uu ka dhigi doono mid la awoodi karo.
SalamAir ayaa sheegtay in duulimaadku rakaabka u sahlayo inay Muscat uga sii gudbaan meelo kala duwan oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Aasiya, iyadoo sidoo kale taageeraya safarrada ganacsiga, is-dhaafsiga ganacsiga iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Cumaan.
Wakiillo ka socday waaxyaha duulista iyo socdaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay duulimaadka cusub, iyagoo SalamAir ku tilmaamay shirkad diyaaradeed oo qiime jaban bixisa, ayna sheegeen in imaanshaheedu uu rakaabka siin doono fursado dheeraad ah, isla markaana uu kordhin doono tartanka suuqa duulimaadyada Soomaaliya ee sii kobcaya.