Abidjan (Dawan)- Dalka Ivory Coast ayaa ku jira diyaar garowgi ugu dambeeyay ee marti gelinta tartanka koobka Qaramada Afrika oo la billaabi doono 13-ka bishaan January.
24-ka dal ee ka qeyb gelaya tartanka 34-aad ee koobka Qaramada ayaa loo qeybiyay lix Group.
Kulamada ciyaaraha koobkaan waxaa lagu qaban doonaa 6 garoon oo loo qaybiyay 5 magaalo, kuwaas oo kala ah Abidjan, Yamoussoukro, Bouaké, Korhogo iyo San Pedro.