Muqdisho (Dawan)- Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay xariga loo gaystay Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha ayaa ku qornaa sida soo socota:
Waxaan si adag ah u cambaareynayaa xarigga wariye Cali Nuur Salaad, oo ah suxufi madax bannaan oo u adeega Shacabka Soomaaliyeed, kana hadla dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca gudaha dalka.