Addis Ababa (Dawan) — Gobolka Yunnan ee dalka Shiinaha ayaa soo jeediyay iskaashi lagu farsameynayo bunka Itoobiya gudaha gobolkaas, si loogu iibgeeyo suuqyada Shiinaha iyo kuwa caalamka.
Soo jeedintan ayaa isku xiraysa bunka tayada sare leh ee Itoobiya iyo awoodda farsamaynta bunka ee Yunnan, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira waaxda bunka.
Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Waaxda Ganacsiga Gobolka Yunnan, Li Yi, ayaa hindisahan ku soo bandhigtay shir lagu horumarinayay ganacsiga Itoobiya iyo Yunnan, kaas oo 1-dii Sebtembar 2026 lagu qabtay magaalada Addis Ababa, sida ay werisay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.
Li Yi ayaa sheegtay in ganacsatada Yunnan ay baahi u qabaan miraha bunka cayriinka ah ee tayada sare leh ee Itoobiya. Waxay tilmaantay in xaaladaha juqraafiyeed ee Itoobiya ay suurageliyeen soo saarista bun leh dhadhan u gaar ah, taas oo dalka ka dhigaysa il muhiim ah oo laga helo bunka tayada gaarka ah leh.
Waxay intaas ku dartay in awoodda farsamaynta bunka ee Yunnan iyo suuqa bunka ee gobolkaas oo sii ballaaranaya ay labada dhinac u abuuri karaan fursado ay isku kaabi karaan.