Addis Ababa (Dawan) – Shirkadda Maraakiibta iyo Adeegyada Saadka Itoobiya iyo Shirkadda Tareennada Itoobiya iyo Jabuuti ayaa ballanqaaday inay xoojinayaan iskaashigooda, si loo dardar geliyo isu socodka badeecadaha dhoofaya iyo kuwa soo degaya ee mara marinka Itoobiya iyo Jabuuti.
Ballanqaadkan ayaa laga sheegay madal looga hadlayay adeegyada saadka oo ay labada shirkadood si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen oo dhacday 31 Augost . Iskaashigan ayaa diiradda saaraya isku xirka gaadiidka badda iyo kan berriga, si badeecadaha uga soo dega Dekedda Jabuuti ay si hufan ugu gaaraan goobaha loogu talagalay gudaha Itoobiya.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Birhanu Tsegaye, oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay in labada shirkadood ay door muhiim ah ku leeyihiin dhaqaalaha dalka. Wuxuu ku boorriyay inay sii xoojiyaan wada shaqayntooda si loo ilaaliyo loona ballaariyo horumarka laga gaaray adeegyada saadka.
Birhanu ayaa sidoo kale ku baaqay in xalal waara loo helo caqabadaha ka jira waaxda saadka, lana qaato habab casri ah oo kor u qaadaya tayada adeegyada iyo qanacsanaanta macaamiisha.