Muqdisho (Dawan) — Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ardayda ku nool deegaannada Puntland iyo Somaliland ay ku heli karaan shahaadada dugsiga sare, inkastoo ay jiraan caqabado siyaasadeed oo hortaagan ka qeybgalka imtixaanka mideysan.
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay weli ku adkeysaneyso in imtixaanka dugsiga sare uu noqdo mid qaran oo mideysan.
“Imtixaanku waa imtixaan mideysan oo uu qaranku wada leeyahay,” ayuu yiri wasiirku.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu tilmaamay in ay jiraan caqabado siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay hirgelinta arrintan, gaar ahaan go’aanno ay qaateen qaar ka mid ah maamullada.
“Caqabado siyaasadeed oo ay sameeyeen rag siyaasiyiin ah, gaar ahaan maamulka Puntland iyo maamulka Somaliland, ayaa u diiday ardayda inay fursad u helaan inay galaan imtixaanka mideysan,” ayuu xusay.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in ardayda aan lagu ciqaabi karin duruufaha siyaasadeed ee aysan iyagu dooran.
“Siyaasadda dowladda waxaa la isku miisaamay ardayga Soomaaliyeed ee duruufaha ku nool ee uusan isagu dooran… Ardaygaas mustaqbalkiisa maxaa laga badbaadin karnaa?” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay qaadday tallaabooyin lagu hubinayo in ardaydaasi aysan lumin fursadaha waxbarasho.


