Mexico (Dawan) – Koobka Adduunka 2026 kuma koobnayn oo kaliya guusha Spain iyo abaal marinada shakhsiysadeed balse waxa uu ahaa mid uu dal kasta oo ka qeyb galay uu helay abaalmarin lacageed oo malaayiin dollaara ah. Wuxuu sidoo kale noqday tartankii la bixiyay lacagtii ugu badneed taariikhda Koobka Adduunka, kaddib markii FIFA ay kor u qaadday guud ahaan lacagta lagu bixiyay tartanka ilaa 871 milyan oo doollar.
Markii ugu horreysay taariikhda Koobka Adduunka, dhammaan 48-kii xul ee ka qaybgalay tartanka waxay heleen abaalmarin lacageed, iyadoo qiimaha la siiyay xul walba lagu saleeyay heerka uu ka gaaray tartanka. Tallaabadan ayaa ka tarjumaysa siyaasadda FIFA ee ah in dakhliga tartanka si ballaaran loogu qaybiyo xiriirrada kubadda cagta ee dalalka ka qaybgalaya.
Spain ayaa noqotay xulka ugu faa’iidada badan, iyadoo heshay 50 milyan oo doollar kaddib markii ay ku guuleysatay koobka adduunka markii labaad taariikhdeeda. Xulka Argentina oo ku dhammeystay kaalinta labaad ayaa la guddoonsiiyay 33 milyan oo doollar, halka England iyo France oo galay kaalmaha saddexaad iyo afaraad ay kala heleen 29 milyan iyo 27 milyan oo doollar.
Xulalka gaaray wareegga afar dhamaadka, oo kala ahaa Morocco, Norway, Belgium iyo Switzerland, ayaa mid kasta la siiyay 19 milyan oo doollar.
Dhanka kale, xulalkii ku haray 16-ka, oo ay ku jireen Brazil, Portugal, Mareykanka, Canada, Mexico, Masar, Colombia iyo Paraguay, ayaa min 15 milyan oo doollar helay.
Sidoo kale, xulalkii ku haray wareegga labaad, wxaa la guddoonsiiyay 11 milyan oo doollar. Xulalkaas waxaa ka mid ahaa Germany, Japan, Algeria, Croatia, Senegal, Ecuador, Netherlands, South Africa, Sweden iyo Australia.