Jabuuti (Dawan ) – Xuseen Macallin, oo ah Agaasimaha Machadka Saldhig ahna La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, oo wareysi gaar ah siiyay Miizaan Podcast, oo ka baxa Dawan Media ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu ku bilowday xiriirka ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta, isaga oo sharaxay sababaha ay Al-Shabaab uga baahan tahay Xuutiyiinta iyo sida ay u gaareen marxalad ay is aaminaan labada koox iyaga oo kala argati duwan.
Xuseen ayaa sheegay in xuduudaha u dhexeeya dalalka ay ka howlgalaan Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo Yemen inay yihiin kuwo iska furan, isla markaana uu ka jira suuq madow oo wax kasta lagu kala gudbin karo. Suuqan ayaa bilow u noqday macaamilka labada koox.
"Kadib waxay u gudbeen marxalad ay is weydiinayeen maxaan uga faa’iideysan karnaa suuqa, taasoo ah xiriir toos ah oo wax isku gudbin ah," ayuu yiri Xuseen. Waxa uu intaas ku daray in labada koox ay magacaabeen rag u qaabilsan la socodo ka suuqa, inkasta oo ay jirtay cabsi uga imaaneysay dabagalka caalamiga ah.
Baahida bilowga ahayd ee wax isku gudbinta ayaa weli jirta, inkasta oo ay labada koox ka feejignaayeen culeysyada sii xoogeysanaya. Xuseen ayaa intaas ku daray: "Waxay u arkeen in haddii xiriirka aan la horumarin uu noqon karo mid fashilma ama la fashilin karo."








