Jigjiga (Dawan)– Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu adkeynayo xeerarka gaadiidka waddooyinka, kuwaas oo ay ku jiraan xaddidaadda safarrada rakaabka xilliyada habeenkii iyo shuruudo dheeraad ah oo lagu xoojinayo badbaadada gaadiidka.
Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in awaamiirtan cusub looga gol leeyahay in lagu yareeyo shilalka waddooyinka, laguba hagaajiyo nidaamka gaadiidka iyo in la kordhiyo kormeerka adeegyada gaadiidka dadweynaha.
Awaamiirta cusub ayaa mamnuucaysa in gaadiidka saddex lugood leh, bajajyada iyo tagaasida nooca Code-1 ay ka shaqeeyaan meelaha ka baxsan xuduudaha magaalooyinka.
Sidoo kale, gaadiidka rakaabka ayaa laga mamnuucay inay safarro galaan wixii ka dambeeya 7:00 fiidnimo, marka laga reebo gaadiidka haysta oggolaansho gaar ah.
Sida ku cad xeerarka cusub, shirkadaha iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha waxaa waajib ku ah inay rakaabka ku qaadaan kuna dejiyaan oo keliya goobaha loo asteeyay, halka dhammaan gaadiidkana lagu amray inay yeeshaan qalabka xaddida xawaaraha.