Muqdisho (Dawan) – Safirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa ku baaqday in hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliyeed ay dib ugu soo noqdaan miiska wada-hadalka, kadib rabshadihii iyo iska horimaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qoraal ay ku baahisay barta X, ayay safiiraddu ku sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay rabshadaha dhacay iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo adkaysay in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo horumar waara.
“Waxaan ku celinaynaa bayaankeennii wadajirka ahaa, hadda waxaa saxiixay laba dhinac oo dheeraad ah. Rabshadaha ka dhacay Muqdisho waa arrin aad u walaac badan, waxaana ka xunnahay khasaaraha ka dhashay. Shacabka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin nabad, xasillooni iyo horumar. Waxaan ku baaqeynaa in hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee dhinacyada oo dhan dib ugu soo noqdaan wada-hadal, khilaafaadkoodana si nabad ah u xalliyaan,” ayay tiri Di Mauro.