Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay tallaabooyinka qaran ee looga hortagayo cudurka Ebola, iyadoo xaqiijisay inaan weli dalka laga helin kiis la xiriira cudurkaas.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda maanta oo Sabti ah ayaa lagu sheegay in dadaallada diyaar-garowga ay ka dhasheen khataraha ka jira gobolka iyo suuragalnimada in cudurku kasoo gudbo garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo xuduudaha dhulka.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda isla markaana ay qaadday tallaabooyin kala duwan oo lagu xoojinayo ka-hortagga iyo u diyaargarowga cudurka.
Tallaabooyinka la qaaday waxaa ka mid ah qabashada shirar lagu xoojinayo wacyigelinta iyo isku-dubbaridka howlaha ka-hortagga cudurka, kuwaas oo lagu qabtay Xarunta Degdegga Caafimaadka Dadweynaha (PHEOC) ee NIH Somalia, iyadoo uu hoggaaminayay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan.
Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa diyaarisay Qorshaha Qaranka ee Ka-hortagga iyo Diyaargarowga Ebola, kaas oo dejinaya habraacyada la xiriira ka-hortagga, ogaanshaha hore, isku-dubbaridka jawaabta degdegga ah iyo wacyigelinta bulshada.
Warbixinno ku saabsan heerka diyaargarowga Soomaaliya ayaa loo gudbiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Amniga Qaranka si loo xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.