Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa ka jawaabay eedeymaha Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre ee la xiriiray hoos u dhaca dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in marka la eego kobaca wax-soo-saarka guud ee Soomaaliya sannadihii u dambeeyay, dhaqaaluhu uu si joogto ah u kobcayay, isla markaana uusan jirin hoobad dhaqaale oo dalka ku yimid.
Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayaa tusaale u soo qaatay kobaca dhaqaalaha afartii sano ee ugu dambeeyay.
“Dhaqaalaheena wax-soo-saarka guud ee dalka wuxuu sameeyay kobac waayihii ugu dambeeyay. 2023-kii wuxuu ku koray 4.1%, 2024-kii wuxuu ku koray 4.0%, 2025-kiina 3.1% ayuu ku koray. Sannadkan oo culeysyo intaa la eg aan waajahno weli wuu korayaa oo ku dhowaad 3 buu ku korayaa, 2.8 bay qolada Hay’adda Lacagta Adduunku ku qiyaastay inuu ku korayo,” ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa sheegay in xogtaasi muujinayso in dhaqaalaha dalka uusan hoos u dhicin, balse uu weli ku socdo kobac, isagoo xusay in caqabadaha jira aysan horseedin hoobad dhaqaale.
“Marka wax hoobad la dhaho ma jiraan, si cad buu u korayaa,” ayuu raaciyay hadalkiisa Wasiirku.