Muqdisho (Dawan) — Helitaanka xogta Jaamacadda SIMAD ayaa hadda ka gudbaya safafka loo galo xafiisyada, kadib markii jaamacaddu ay maanta daahfurtay “OGAAL SIMAD Chat”, oo ah caawiye ku shaqeeya Garaad-gacmeedka, kaas oo dadka siinaya fursad ay si toos ah uga helaan macluumaadka jaamacadda.
OGAAL waxaa soo saaray SIMAD AI Institute, waxaana lagu dhisay xogta rasmiga ah ee Jaamacadda SIMAD, si ardayda, waalidiinta, shaqaalaha iyo bulshada ay uga helaan macluumaad ku saabsan adeegyada jaamacadda, barnaamijyada waxbarashada, xafiisyada iyo habraacyada kala duwan.
Nidaamkan ayaa sidoo kale awood u siinaya dadka isticmaala inay su’aalahooda ku weydiiyaan Af-Soomaali iyo English, iyadoo ujeeddadu tahay in xogta jaamacaddu noqoto mid si fudud loo heli karo,.
Agaasimaha Machadka Garaad-gacmeedka ah ee Jaamacadda SIMAD, Yaxye Abuuukar Axmed, ayaa sheegay in OGAAL loogu talagalay in uu yareeyo baahida loo qabo in ardayda iyo waalidiintu si shaqsi ah ugu tagaan xarunta jaamacadda si ay xog u helaan.
“Hadafka OGAAL loo sameeyey waa in uu u fududeeyo dadka iyo ardaydaba baahida ay qabaan, oo macluumaad ay ka helaan Jaamacadda SIMAD iyagoo aan u baahnayn in ay jaamacadda yimaadaan,” ayuu yiri Yaxye Abuuukar Axmed.