Beledweyne (Dawan) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, si loo dardargeliyo howlaha gurmadka iyo diyaar-garowga khataraha fatahaadaha, sida ay sheegtay SoDMA.
Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdigiisa ayaa waxaa Beledweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Sida ag sheegtay SoDMA, booqashada ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo diyaar-garowga, ka hortagga iyo yareynta saameynta fatahaadaha la filayo, gaar ahaan xilli la saadaalinayo saameynta El Niño.