Muqdisho (Dawan)- Gargaarka bani’aadannimo ee dibadda uga yimaada Soomaaliya ayaa labadii sano ee la soo dhaafay hoos u dhacay 70%, waxaana laga cabsi qabaa inuu gebi ahaanba istaago, sida uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle.
Maxamuud Macallin ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka socda magaalada Muqdisho oo ay dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kaga hadlayaan iskaashiga iyo u diyaar-garowga ka jawaabista khataraha ka dhasha El Niño. “Gargaarkii bani’aadannimo labadii sano ee la soo dhaafay 70% ayuu yaraaday, waxaana laga cabsi qabaa inuu gebi ahaanba istaago,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Wuxuu sheegay in hoos u dhaca taageerada dibadda uu muujinayo baahida loo qabo in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay isku tashadaan, isla markaana ay si wadajir ah uga qayb qaataan dadaallada gurmadka iyo wax ka qabashada musiibooyinka.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay SoDMA, soconayana 25-ka iyo 26-ka Oktoobar, ayaa waxaa ka qaybgalaya xubno ka socda qurbojoogta, culimada, ganacsatada iyo hay’adaha gargaarka.