Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa sheegtay inay tahay maamul madax-bannaan, waxayna difaacday xiriirka ay la leedahay Israa’iil, iyadoo ka jawaabaysa dhaleeceyn uga timid Iiraan oo la xiriirta magacaabista safiirka Israa’iil ee Somaliland.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha bulshada maalintii Talaadada, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ku sheegtay inay leedahay madax-bannaani buuxda iyo degganaan siyaasadeed, isla markaana ay si madax-bannaan u go’aamiso siyaasaddeeda arrimaha dibadda, iyadoo raadinaysa xiriir wax ku ool ah oo ay la yeelato dalalka caalamka.
“Isbahaysiyadayada annaga ayaa go’aansanna, xiriirka aan la leenahay Israa’iilna waa mid aan la liici karin,” ayay wasaaraddu tiri.
Hadalkan ayaa yimid kadib dhaleeceyn uga timid Iiraan, taas oo sheegtay in tallaabada Israa’iil ay ku xad-gudubtay madax-bannaanida iyo dhowrista dhuleed ee Soomaaliya.


