Soomaaliya, 23 Abriil 2026 (Dawan)– Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 174 muwaadiniin ah laga soo celiyay dalka Liibiya, kadib dadaallo wadajir ah oo ay sameeyeen Midowga Yurub iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), kaddib bilo ay ku jireen xabsi ku yaalla dalkaas Waqooyiga Afrika.
Kooxdan ayaa soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho, halkaas oo mas’uuliyiintu sheegeen in la diyaarinayo sidii loogu kala diri lahaa gobolladii ay ka yimaadeen.
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Xasan Nadaara, ayaa sheegay in dadka la soo celiyay ay qayb ka yihiin barnaamij socda oo lagu caawinayo muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dibadda. “Dadkan maanta la keenay waa 174 qof oo laga soo celiyay Liibiya. Shan iyo toban waxaa laga dejiyay Hargeysa, halka inta kale loo kala diri doono gobolladooda maalmaha soo socda,” ayuu yiri.
Qaar badan oo ka mid ah dadka la soo celiyay ayaa isla markiiba la xiriiray qoysaskooda kadib markii ay yimaadeen, iyadoo qaar ay markii ugu horreysay bilo gudahood la hadleen ehelkooda.


